Beesha wasiir Cabas Siraaji oo go’aan cad ka qaadatay sida laga yeelayo askari Ceydiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha, Dhallinyarada, aqoonyahanada iyo Haweynka Beesha uu kasoo jeeday Allaha u naxariiste Wasiir Cabaas Siraajo ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho oo ay uga hadlayeen sida laga yeelayo askarigii dilkau geystay wiilkooda.

Dhammaan Dadkii kasoo qeybgalay kulankaan ayaa go’aan ku wada qaatay inay taageeraan go’aankii Maxkamadda sare ee ahaa in la toogto askarigii dilka geystay.

Beesha ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay wararka sheegayo inay ku qanacsan yihiin inay diyo ka qaataan beesha uu kasoo jeedo gacan ku dhiiglaha, waxayna tilmaameyn inay kaliya ku qancayaan in loo khisaaso.

Malaaq Maxamed Cali Aadan Buukaay oo kamid ahaa odayaashii shirka ka hadlay ayaa ka dhawaajiyey inaysan marnaba gorgorton ka galeyn dilka Wasiir Cabaas wuxuuna yiri: “ Arrinta Wasiir Cabaas  Allah u naxariisto maahan arrin gorgorton laga geli karo, Caalamka iyo dowladda waxaan u sheegeynaa inaysan jirin wax wadahadal ah oo noo socdo anaga iyo dadka dilka geystay, kama wada hadlin, kamana wada hadli doono, ninkii qof laga dilay iyo ninkii wax dilay waxaa dulman ciddii wax laga dilay”.

Sidoo kale Sheekh Ibraahim Aadan Cabdi oo kulankaas ka hadlay ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida uga mahadceliyey xukunka dilka ah oo ay ku xukuntay Axmed Caydiid, wuxuuna yiri: “ Dilka Wasiir Cabaas wuxuu ahaa shirqool, maxkamadda iyo dowlddana aad ay u mahadsan yihiin, marnaba ma cafin doono ninka dilay, waxaana ku qanceynaa in la toogto”.

Haddaba halkaan hoose ka daawo warbixinta ku saabsan kulankaan ay beesha ku yeesheen Muqdishi.