Muqdisho (Caasimada Online)-Sida wararka ina soo gaaraya ay sheegayaan waxaa dalka India ku Geeriyooday Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka maamulka Puntland, Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo), oo horayna uga mid ahaa weriyayaasha laanta Afka Soomaaliga ee BBC.
Axmed Kismaayo ayaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday aroornimadii hore ee Saaka, waxa uuna halkaa u gaaray howlo caafimaad.
Geerida Axmed Kismaayo ayaa waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo sheegay inuu ka tagay magaalada Nairobi, dalkaana u aaday howlo caafimaad.
Marxuum Axmed Kismaayo ayaa soo noqday Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada dadban ee maamulka Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, Inkastoo uu xilkaas iska casilay intii ay socotay doorashadii lagu soo doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Puntland, haddana waxaa jiray xilal dhowr ah uu hayay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

