Faallo: Ceynteyntu waa caqabad culeyskeeda leh | W/Q: Hassan Yahye

Waa maxay Cenynteyn? Hadaba, macnaha eraygan waxaad ka dhax dhuuxi doontaa qoraalka dhaxdiisa haddii ay siyaasadda Soomaaliya wax un kaaga bilabantahay. Haddii kale se macnaha erayga waxaad ka heli doontaa dhamaadka qormada.

Laba wajiile waa eray caan ah oo ay Soomaalidu adeegsato markay qof ku sifeynayaan munaafiqnimo. Munaafiqnimada haddii la sii tafsiirana waa daqanka ah in qof isu muujiyo inuu ka mid yahay kuwan iyo kuwaa kaleba, kooxdan iyo kooxdaa isagoo kalaqarinayo oo maskax iyo waqtiba ku bixiyo siduu u kala ilaalin lahaa inay istaabtaan fiilooyin is leh. Waayo fashil waa lama huraan haddii fiilooyin is lehi ay is taabtaan.

Sida erayga ku cad “laba” waxay katarjumeysaa tiro ama xisaab. Kow na ma ahan Sadax na ma ahan ee labadoodaas ayay tiradaa u dhaxeysaa. Haddaan dib u milicsanno dhacdooyinkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay intii aanu helnay dowlad rasmi ah, oo ka bilaabatay dhamaadkii 2012ka, siyaasadda dalka waxaa ku soo koradhay (batay, aan idhaahdee) siyaasiyiin mawqifyo badnaansho u saaxiib ah. Mowqifyadaa oo badanaa ka badan labo.

Waan ogahay in siyaasi aad taqaanid (ama adigu qudhaada) uu dhex sabeynaayay mowqifyadii siyaasadeed ee kala danta ahaa, iskuna danta ahaa; kala jaadka ahaa, iskuna jaadka ahaa  ee hareeyay dalka mudadii 2012ka ilaa doorashadii madaxtinimo ee horraantii sanadkan ay ka dhacday. Waxay isaga mid ahaayeen inuu ficilladooda iyo loolankooda uu dib u dhac u geystay horumarka dalka iyo, in badankood rabeen loolankooda in ay uga soo baxdo fursad waqti kororsi oo, runahaantii, haddaad si u eegto, siday rabeenba uusan ku dhamaanine, ay sadax bilood uga soo boodday.

Dhanka kale waxay kala dan ka ahaayeen doonista hadafkooda siyaasadeed iyo kan shaqsiyeed (in kasta oo ay gabadh Xildhibaanad ah ay igula doodday in siyaasiyiintaa ay arinkan qudhiisa isga mid ahaayeen maadaama hadafkoodu, waa siday hadalka u dhigtaye, lagu soo koobi karo xil, xoog, iyo xandho doon). Uma’aanan qirin laakiin walaashey way iga sax saneyd. Xildhibaan aan isku heyb nahay ayaa ii sheegay in waagii la karkarinaayay mooshinkii ugu dambeeyey ee laga waday madaxweyne Xasan Shiikh xildhibaanno badan magacyadooda laga helay uguyaraan todoba liis markii la so af-jaray xisaddii mooshinka. Xiligaa inkasta oo uusan eraybixinta ah “ceynteyn” aysan weli curan, haddii aan dib u milicsanno xaaladdaa waxaa la oron karaa “Xildhibaanno badan ayaa xiligaa Ceynteynaayay.” Waa wada ceynteyntaase!

Tusaalaha kale ee Ceynteytu waxay si cad oo aan caad saarneyn u soo ifbaxday xiligii doorashadii madaxweynenimada. Waana halkan halka eray-bixta “Ceynetyn,” oo u dhiganto sadax-iyo-ka-badan-wajiile, uu ka soo unkaday. Waayo sida aan horay u tilmaamay waxaan aragnay dhaqan laba-wajiilenimo ka badan.

Hadabada, jug-ku-kacayaasha aan weli fahmin faraca ereyga, eraygan cusub wuxuu ka soo faracamay tilmaan, dabci, ama hab-dhaqan uu si waafi ah ugu sifoobay Cabdiraxmaan Ceynte oo xiligaa ahaa wasiirka qorsheynta. Sida ay siyaasiyiinta Soomaaliya iyo kuwa u dhuundoloola ama indha-indheeya siyaasadda Soomaaliya waxay maqleen, ogyihiin, ama la socdaan in wasiir Ceynte uu si toos ah iyo si dadbanba isugu dayay inuu dhowr dheri siyaasadeed isku mar kariyo; dhowr doomood mar qudha wada raaco; dhowr dameerro, baqallo, ama fardo isla fuulo. Ceynte wuxuu la waday (koonfurta waxaa caan ka ah “kula-daartay”) Cumar C/rashiid, Daljir, iyo Farmaajo, isagoo wasiir ka ah dawladdii M/weyne Xasan Shiikh hogaaminayay. Dhamaantood raggaa iyo olalahooda way ogaayeen in uu iyaga waxii ka soo haraa uu taageerayo. Tafsiir ahaan qof kasta oo uu markaa la joogo wuxuu aaminsanaa in uu ololihiisa ma’ahan ee labada olole ee kale mid ka mid ah taageersanaa. Xaaladdaa sadax-geesoodka ah ee uu wasiir Ceynte sidaa wacan u jilay ayaa waxaa loo sameeyay eraybixinta ah “ceynteyn.” Haddaba haddaad maqasho jumlada “hebel wuu ceynteynayaa” ama “heblaayo way ceynteyneysaa” waa taqaan waxa lagala jeedo. Yeysan kaa dhacsanaan!

Ceynte markaa wuxuu mooday, ilaa haddeerna moodayaa, in aan la fahansaneyn. Waa ninkaa dhalinyarada ah ee cod-karnimada iyo aqoonba u saaxiibka ah ee garanmeyno sababta uu xaalku sidaa uga noqday. Doqonnimo kuma xaman karno ee war tolow ma xaasidbaa mise waa qab doqonnimo xigeen ah.

Cenyte wuxuu bilaabay inuu ku faano inuu yiraahdo “M/weyne Farmaajo anigaa fursadan uu ku noqday M/weyne siiyay markaan Raisalwasaare ka dhigay xiligii Dowladdii Shiikh Shariif.” Waa run oo kaalin weyn buu ku lahaa magacaabistii Farmaajo, dad xog-ogaal ahna waxay leeyihiin Farmaajo abaalkaa Ceynte  wuu u hayaa waana sababta ugu weyn ee uu Ceynte ku qadarinayo isagoo og qaab-daradiisa kale oo dhan. Waana sababta uu waxaa oo xilal ah ugu dhiibtay, dabadeedna Safiirnimo u magacaabay isagoo og in Ceynte uusan xildhibaanada beeshiisa wax qadarin iyo culeys midna ku laheyn.

Ceynte waligiiba waa laga roonaan jiray: waad ogsoontihiin M/weyne X. Shiikh inta ceebeyn ah uu ka fidiyay iyo sida uu ugu ogolaaday inuu dowladdiisa wasiir uga dhigo, in kasta oo uu hadana Ceynte ku faanayey in wasiirnimada lala soo doontay oo uusan isagu codsan in xil wasiir loo magacaabo; tan labaad Xildhibaan Dhagdheer iyo Xildhibaan Musdhafe Dhuxulow oo kaalin weyn ka geystay in wasiirnimo loo magacaabana abaal-daro ayunbay ka-kasbadeen, waana tii uu ku waayay xildhibaannimo; tan sadaxaad, Cumar C/rashiid wuu ogaa sida liidata ee uu Ceynte u weeraray shaqsiyaddiisa ka dib markii Sh. Shariif uu u magacaabay R/wasaare 2009kii. Isagoo Aljazeera English wareysi siinayo ayaa Ceynte wuxuu ku dooday in qualificationka kaliya oo uu C. Cabdirashiid leeyahay, oo xilka loogu magacaabay, ay tahay in uu aabihii ahaan jiray R/wasaare iyo M/weyne. Hadana, C.C/rashiid isgaoo intaa xog ogaal u ah ayuu wasiir uga magacaabay dowladdiisa.

Isagu wuxuu moodaa inaan la ogeyn laakiin waa laga fiicaadaday. Taasina culeyskeedaayay leedahay. Ceynteyntuna waa caqabad culeyskeeda leh oo farakulul ku hayso hab-dhaqanka siyaasadeed ee dalka iyo mid ganacsi ba. Hadaba is ilaali yaanan “ceynteynnimo” laguugu tilmaamin.

W/Q: Hassan M. Yahye
Muqdisho, Soomaaliya
hassyahye@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid