Beesha XAWAADLE oo go’aanno culus gaartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ka dhacay Hotel Giyaajo ee Magaalada Muqdisho,  ayna iskugu yimaadeen Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Salaadiinta,  nabadoonada iyo aqoonyahanada Beelweynta Xawaadle ee degta gobolada Jubbooyinka iyo Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa waxa ay si xoogan u cambaareeyeen nidaamka awood qeybsiga maamul ee Maamulada KMG ah ee Juba iyo Koonfur galbeed ee ay kala hogaamiyaan Axmed Maxamed Islaam “ Madoobe” iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan .

Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,  ayaa ku eedeeyay Wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey inuu ku caawinayo Maamulka KMG ah ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe sad-bursi,  dulmi,  cadaalad darro iyo dib u buuridda colaad sokeeye oo soo kala dhexgasha dadka ku nool gobolada Jubbooyinka .

Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye, ayaa sheegay in qaabka xulidda xildhibaanada Baarlamaanka Juba uu u dhacay qaab lagu duud-siiyay xaqqa dad degmoooyin iyo tuulooyin kala duwa ka kala degan gobolada Jubada hoose, Jubada dhexe iyo Gedo oo Beelweynta Xawaadle ay ka mid tahay.

Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye ayaa ka digay in la saxiixo Xulid Xubno baarlamaan oo Gobolada Jubbooyinka ay yeeshaan,  iyadoo aan lagu saleyn cadaalad iyo hab qeybsi dadka deegaanka ay ku wada qancaan .

Madasha ayaa waxa kale oo ka hadlay Siyaasiga Cabdullaahi Gacal Cabdi oo ka codsaday Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya inay gobolada Jubbooyinka iyo Koonfur galbeed u horseedaan nidaam cadaalad oo raali laga wada yahay,  isagoo sheegay in cadaalad darrada ay abuureyso ammaan darro iyo in cadowga ummadda uu xoogeysto .

Kulankani oo Salaadiin iyo nabadoono kala duwan ay ka hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Cali Xassan Kuulow oo sheegay in hab qeybsiga xubnaha Baarlamaanka Jubooyinka iyo Golaha Wasiirada Maamulka KMG ah ee Koonfur galbeed uu u dhacay qaab aan cadaalad aheyn oo lagu dulmiyay Beelweynta Xawaadle,  isagoo sheegay in arrimahaasi ay dib u holcinayaan colaad iyo dagaal sokeeye oo soo kala dhexgala dad is jecel .

Suldaan Cali Xasan Kuulow ayaa xusay in cabasho ay u gudbinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD iyo Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya oo ka dhan ah Maxamed Cabdi Afey,  oo huwan shaar qabiil,  kuna qeylo dhaaminaya hurinta dab iyo colaad qabiil ku saleysan oo galaafata nolosha dad is jecel oo wada degan,  isagoo sheegay in ay haboon tahay in dalka laga saaro,  xilka uu ku magacaaban-yahayna laga laga qaado .

Suldaan Cali Xasan Kuulow,  ayaa ku booriyay Axmed Madoobe oo nidaamkiisa hadda ku eg Magaalada Kismaayo,  ay haboon tahay inuu cadaalad ku hogaamiyo dadka, si maamulkiisa ugu fido dhammaan degmooyinka iyo Tuulooyinka gobolada Jubada hoose,  Jubada dhexe iyo Gedo .

Beelweynta Xawaadle,  waxa ay si balaaran u degan tahay Gobolada Jubbooyinka iyo Koonfur galbeed,  halkaan hoose ka akhriso degmooyinka iyo deegaanada: 

Gobolka Jubada dhexe

1-Degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe,  oo ah Magaalada ugu dadka badan gobolkaasi, beelweynta Xawaadle waxa ay kaga jirtaa kaalinta Labaad beelaha halkaasi ku nool.

Jilib waxa ay ku taalaa Wadada dheer ee konfureed ee isku xirta Caasimadda Muqdisho iyo Magaalada Kismaayo.

2-   Degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubada dhexe,  ayaa dadka degan waxa ay beesha Xawaadle kaga jirtaa kaalinta Seddexaad .

3-   Degmada Saakow ee gobolka Jubada dhexe,  waa Magaalo dhul beereed ah,  dadka ugu badan ee degan waxa ay ka soo jeedaan beesha Xawaadle.

4-   Deegaanka Hoombooy oo u dhow degmada Jilib,  Beesha Xawaadle waxa ay kaga jirtaa kaalinta koowaad dadka deegaankaasi.

Gobolka Jubada hoose

1-   Deegaanka Buulo Xaaji oo u dhow Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose ayaa beesha Xawaadle waxa ay kaga jirtaa kaalinta Labaad dadka deegaanka .

2-   Dadka ku heybtirsada beesha Xawaadle,  waxa ay si aad ah ugu badan yihiin tuulooyinkan hoos taga Magaalada Kismaayo, kuwaasoo kala ah :

Aboorow, Habaaqa, Beer-xaano, ool-oole, Koorweyne, Canjeel iyo Janaay Cabdalla.

Gobolka Gedo

1-  Degmada Doolow ee gobolka Gedo,  oo ah Magaalo dad badan ay ku nool yihiin ayaa dadka ku nool waxa ay badankooda ku heyb tirsadaan beesha Xawaadle oo ah kaalinta koowaad ee aglabiyadda dadka degmadaasi .

2-  Dadka ka soo jeeda beesha Xawaadle,  waxa ay qeyb ka degaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Gedo ee kala ah :- Buulo –Xaawo, Baardheere, Farjanaay, Busleey iyo Garas Shabo.

Gobolka Baay

1-    Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay,  dadka ku abtirsada Beesha Xawaadle waxaa lagu tiriyaa beesha afaraad ee halkaasi degan.

2-    Degmada Diinsoor ee gobolka Baay,  dadka ka soo jeeda Beesha Xawaadle ee halkaasi degan waxaa lagu tiriyaa beesha labaad ee deegaanka.

3-    Dadka u dhashay beesha Xawaadle,  waxa ay degaan Tuulada Goon-bir ee u dhow Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

4-    Dadka ku heybtirsada beesha Xawaadle,  waxa ay qeyb lixaad leh ka degaan Tuulooyin badan oo hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kuwaasoo kala ah :-Hoqobsooy, Dhabii, Liimaale, Cabdi ibraahim iyo Lug habar .

5-    Dadka ku abtirsada beesha Xawaadle,  waxa ay kaalinta koowaad ee aqlabiyadda ay kaga jiraan Deegaanka Xawaal barbaar ee gobolka Baay .

Gobolka Shabeelaha hoose

1-   Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose waa Magaalo uu maro webiga Shabeelle,  waxaana lagu tiriyaa degmooyinka ugu wax soo saarka badan dalka Soomaaliya oo ay ku nool yihiin xoolaha la dhaqdo noocyada ugu badan ee Lo’da iyo Ariga,  dadka ku nool oo xoogsato iyo beeraley iskugu jira ayaa waxaa Beesha Xawaadle ay kaga jirtaa kaalinta Labaad dadka halkaasi ku nool.

2-   Dadka ku heybtirsada Beesha Xawaadle waxa ay si lixaad leh u degan yihiin, uguna nool yihiin Tuulooyin badan oo hoos –taga Degmada Qoryooley iyo tuulooyin kale oo isla gobolka Shabeelaha hoose ah, kuwaasoo kala ah :

Jeerow, Maduulow, Tawakal, Maayo-murug, Mushaani, Waagaale, Jiida Janaale iyo Ugunji.

WABILLAAHI TOWFIIQ