Amisom oo yeeshay afhayeen cusub iyo Kenya oo laba jago oo muhiim ah la isugu daray !!!!

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Iyadoo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay Afhayeenkii Ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalka Somalia, ayaa waxaa iminka Afhayeen cusub loo sameeyay Ciidamada.

Ergayga gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabilsan Somalia ahna madaxa hawlgalka AMISOM danjire Maman Sidikou oo ka qeybgalay shir ka dhacay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu halkaasi ku magacaabay Afhayeen cusub.

Ergaygu wuxuu saxaafada usoo bandhigay afhayeenka cusub ee AMISOM oo badali doona afhayeenkii hore ee xiligiisu dhamaaday Col.Cali Xumud Aadan.

Afhayenkan cusub ayaa magaciisa lagu sheegay Njua Paul oo u dhashay dalka Kenya, waxa uuna Maman Sidikou halkaasi ka sheegay in afhayeenka saxda ah uu yahay Mr Njua Paul.

Dalka Kenya ayaa hada wuxuu isku hayaa laba jago oo kala ah taliyaha AMISOM ee Somalia iyo afhayeenka AMISOM.

Dhanka kale wuxuu danjire Sidiku walaac ka muujiyay xidhitaanka xawaalada Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com