DF SOMALIA oo wafdi u dirtay dalka Kenya, si loogala hadlo xanibaada hantida Soomaaliyeed

Nairobi (Caasimada Online) –Wefdi ka socda Dowladda Somaliya, ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, ka dib markii Dowladda Kenya ay Arbacadii albaabada u laabtay Shirkadaha Xawaaladaha Somalida ee dalkaasi ka hawlgala.

Wefdigan, ayaa waxaa horkacayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya C/salaan Hadliye Cumar, waxayna Dowladda Kenya kala hadli doonaan sidii meesha looga saari lahaa hakinta hawlihii Xawaaladaha.

Afhayeenka Xukuumadda Somaliya Ridwaan Xaaji C/weli, ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay wado dadaalo ku aadan, sidii Xawaaladaha Somalida Kenya dib loogu fasixi lahaa hawlahooda shaqo, sida uu yiri.

Afhayeenka oo galabta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay in Dowladda Somaliya ay wefdi ballaaran u dirtay Magaalada Nairobi, si Dowladda Kenya loogala hadlo joojinta shaqadii Xawaaladaha.

Ridwaan Xaaji C/weli, ayaa hakin hawlihii Xawaaladaha ku sheegay arrimo amni oo keliya, isla-markaana ay rajeynayan in dib markale ay hawlahoodii shaqo u bilowdan Xawaaladaha Xaruntoodu tahay Magaalada Nairobi.

Ridwaan, ayaa ku celceliyay inaanay Dowladda Somaliya ka seexan doonin, ilaa iyo inta ay dib shaqadoodu kaga bilaabanayan Xawaaladaha Somalida ee dalka Kenya.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa Arbacadii ku baaqay in Dowladda Kenya, ay dib kaga fiirsato joojinta hawlihii Xawaaladaha Somalida Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com