Puntland oo cambaareysay hadal ka soo baxay madaxweyne Xasan Sheikh oo uu ku sheegay…

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadashay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in maamulka gobollada dhexe uu noqon doono gobolka Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka waxbarashada Puntland,Cali Xaaji Warsame oo ka jawaabay hadalka waxuu ku sheegay inuu yahay mid dib u curinaya khilafkii dowladda faderaalka iyo Puntland.

“Gaf ayuu nogu yahay hadalka madaxweynaha oo yiri gobolka Mudug ayaa maamulka lugu biirinaya,” ayuu yiri Cali oo inta ku daray horay in labada dhinac ay ugu heshiiyeen koonfurta Mudug in lugu biiriyo maamulka.

Waxuu sheegay wasiirka inaysan Puntland marnaba raali ka ahayn in lagu soo xad-gudbo wa uu ugu yeeray dhulkeeda, wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu dib uga fiirsado hadalkaas.

Hadalkan ayaa yimdi, kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya oo shalay hadal ka jeediyay magaalada Dhuusamareeb u sheegay in maamulka gobollada dhexe uu noqon doono labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com