Xaaskii C/raxman Faroole oo lagu dlay Garowe

Boosaaso (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Xaaska labaad ee Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole.

Dilka haweeneydaani oo lagu magacaabi jiray Aamina Abiib Cilmi, ayaa waxa ay wararku sheegayaan inuu ka dambeeyay wiil ay iyadu dhashay oo lagu magacaabo Cumar Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed.

xaaska farooleSuxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in Cumar uu la murmay hooyadii, isla-markaana uu rasaas ku furay hooyadii, sida ay ka soo xigteen ehelada.

Sidoo kale Wariye-yaasha Magaalada Garoowe, ayaa ku soo waramaya in gacanta lagu dhigay Cumar C/raxmaan Sheekh Maxamed, isla-markaana lagu haayo goobaha dembi baarista, inkastoo aynaan weli Ciidanka Boolisku wax war ah ka soo saarin.

Aamina Abiib waxaa ay ahayd Xaaskii Labaad ee Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com