Shirar iska soo horjeeda oo ka socda Cadaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in goordhow uu halkaasi ka furmay shirar kala duwan oo u dhexeeya Maamulka iyo Odayaasha Deegaanka.

Wararku waxa ay sheegayaan in ujeedka kulamada uu yahay mid looga soo horjeedo go’aanka Madaxweyne Xassan Sheekh ee ahaa halka caasimada u ah maamulka Mudug iyo Galgaduud loo sameynayo.

Shirarka ayaa waxaa sidoo kale looga arinsanayaa arimo ku aadan shirka dhawaan halkaasi ka furmi doona, iyadoona warar hoose ay sheegayaan in Maamulka Cadaado uu tashwiish ku dhex furaayo Odayaasha.

Dhanka kale, waxaa Cadaado ka socda shir kaasi khilaafsan oo u dhexeeya Ergooyin taageersan go’aanka Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana kulankaasi qeyb ka ah Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kuwaasi oo tashkiilinaayo Odayaasha.

Shirarkaani iska soo horjeeda ayaa waxaa sabab u ah hadalkii Habeenimadii xalay kasoo yeeray Madaxweynaha ee ahaa in Caasimada Maamulka ay noqon doonto Magaalada Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com