Beeshii ugu dambeysay oo ciidamadeeda kala baxday SOMALILAND kuna biirtay…

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Ciidankii u danbeeyay ee Beesha Warsangeli kaga harsanaa ciidamada Somaliland ee laga xukumo Taliska Ceerigaabo ayaa shalay si rasmi ah ugu biiray Ciidamada Puntland.

Ciidankan oo ay hoggaaminayaan Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Giigi iyo Gaashaanle Maxamuud Buurmadow ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Xingalool ee gobolka Sanaad.

Abbaan-duulaha guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guuto Xuseen Dheere ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidankan, waxaana uu ballan qaaday in loo dhammaystirayo xuquuqda iyo mushaharkooda.

Arrintan ayaa dhabar-jab weyn ku ah maamulka Somaliland, ayada oo hadda ay muuqato in dhammaan beelaha Daarood ee Sool iyo Sanaag ay ka wada baxeen maamulka Somaliland.

Dagaalka Laascaanood oo socday tan iyo bishii Febraayo, ayaa aad u wiiqay doodda Somaliland ee madax-banaani raadinta, maadaama dhul ballaaran oo Somaliland ay sheegato ay beelihii deganaa shaaciyeen inaysan qeyb ka ahayn xukuumadda Hargeysa.

Dhinaca kale, dagaal culus ayaa xalay ka dhacay jiidda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland oo weerarka soo qaaday iyo xoogaga degaanka ee SSC-Khaatumo oo difaac ah ayuu dagaalkaasi dhexmaray.

Dagaalka ugu xooggan ayaa laga soo sheegay jihada galbeedka Laascaanood halkaas oo Somaliland ka soo billowday weerarka.

Ilaa iyo hadda faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha dagaalka labada dhinac waxaana weli la maqlaya dhawaqa hubka oo goos goos ah.