Xog: Xasan oo mar kale ku wajahan QATAR + Ujeedka

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda ku wajahan gudaha magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar, halkaas oo uu booqasho ku tegi doono bartamaha bishan May oo ku beegan hal sano, kadib markii mar labaad loo doortay xilka madaxweynaha.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka dalka Qatar, isla-markaana safarkiisa uu la xiriiro mid uu taageero dhaqaale ugu raadinayo dowladdiisa oo dagaal adag kula jirto Al-Shabaab.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda dalka yare ee Qatar, balse dhaqaalaha hodanka ku ah kala hadli doono iskaashiga labada dal, amniga iyo siyaasadda

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay iska xog wareysan doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo midda gobolka, maadaama bilihii lasoo dhaafay ay dhaceen isbeddallo waa weyn.

Safarkan oo noqonayo kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegayo dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15 kii May ee sanadkii hore, waxaana booqadashan ku wehlin doono xubno ka tirsan Villa Soomaaliya iyo wasiiro kamid ah xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisaa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynayo dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana la filayaa in uu billowdo wejiga labaad ee dagaalka, kaas oo kusoo biiri doonaan waddamada dariska oo haatan la’isku yiraahdo dalalka safka hore.