Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay magaalada LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo saacado badan qaatay.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ciidamada milatariga Somaliland ay weerar ku billowday madaafiic ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka oo ay dhufeysyo uga jireen, waxaana xigay dagaal toos oo u dhexeeyay labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay bariga magaalada, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, waxaana haatan ay tahay xaaladdu mid kacsan.

Sidoo kale labada dhinac, waa Somaliland iyo SSC ayaa guullo waa weyn ka kal sheegtay dagaalkaasi oo dhacay xilli habeen ah, taas oo sii adkeysay xaaladda ka jirta halkaasi.

Laascaanood ayaa waxaa muddo ka socdo dagaallo culus oo u dhexeeyo milatariga Somaliland iyo ciidamada deegaanka, kuwaas oo dhaliyay khasaare iyo barakac.

Xaaladda magaalada ayaa maamlmihii u dambeeyay ahayd mid deggan, marka loo fiiriyo dagaalladii is-daba jooga ahaa ee horay uga dhacay halkaasi.

Dagaalkan cusub ee haatan dib u qarxay, ayaa sii fogeynaya xaaladda iyo rajadii laga qabay inay wadahadlaan madaxda Somaliland iyo odayaasha dhaqanka ee SSC.

Si kastaba, illaa iyo hadda waxaanan muuqan isku soo dhawaasho labada dhinac ah, mana suuragelin dhammaan isku dayadii la sameeyay, si la’isugu soo dhaweeyo labada dhinac.