Tirada dadka ku dhintay weeraradii Al-Shabaab ee 2022 oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin  cusub oo ay soo saartay xarunta daraasaadka istiraatiijiyadeed ee Afrika (Africa Center for Strategic Studies) ayaa waxaa looga hadlay khasaaraha ka dhashay weeraradii Al-Shababaab ay Soomaaliya ka gaysteen 2022-kii.

Africa Center for Strategic Studies ayaa shaaca qaaday tirada rasmiga ah ee dadkii ku dhintay weeraradaasi, waxayna ku sheegtay inay ku naf waayeen illaa 2,606 qof.

Tiradan ayaa ka badan tii sanadkii horreeyay ee 2021-kii, taas oo ahayd 6,225 qof, sida lagu muujiyay warbixinta kasoo baxday xarunta daraasaadka istiraatiijiyadeed ee Afrika.

Sidoo kale Africa Center for Strategic Studies waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in haatan ay hoos u dhaceen weerarada Al-Shabaab, ayada oo sababta ku sheegtay culeyska kooxda la saaray, kadib duulaanka tooska ah ee ay ku qaadeen ciidanka dowladda iyo deegaanka.

“Sanadkan 2023 ee loo dhaw yahay bartamihiisa aad bey u yar yihiin weerarada kooxda marka loo eego sanadihii hore, waxaana taasi ugu wacan culeyska koxoda la saaray,” ayaa lagu yiri warbixin sanadeedka xarunta daraasaadka istiraatiijiyadeed ee Afrika.

Africa Center for Strategic Studies waa waax cilmi-baaris oo sidoo kale ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga dowladda Mareykanka, waxaana ay sameysaa tirokoob guud oo ku saabsan guud ahaan weerarada argagixisadda ee caalamka.

Warbixintaan ayaa kusoo aadayo, xilli dowladda Soomaaliya qaaday tallaabo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay kala wareegtay dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana howlgalladaas qayb ka ahaa dadka deegaanka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa la timid qorshe cusub oo lagu sugayo amniga caasimada oo qayb ahaan lagu wareejiyay ciidamo boolis milataaro ah, waxayna taasi keenteen inay hoos u dhacaan qaraxyadii horay uga dhaci jiray magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa weli ku jirta marxalad dagaal, waxaana la filayaa in dhowaan la guda galo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ka bilaabanaya Koonfur Galbeed iyo Galmudug.