Boorama oo laga taagay calanka Soomaaliya iyo xiisadda oo kasii dareysa

Boorama (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeystay rabshado horleh oo saaka ka billowday magaalada Boorama, kadib markii ay dadweyne careysan iskugu soo baxeen bartamaha magaaladaasi iyo waddooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gudaha magaalada iyo kuwa ka baxa.

Rabshadahan oo ka dhashay dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal, ayaa waxa uu isku rogay kacdoon dadweyne, ayada oo dadweynaha dhigayay dibad-baxaan la arkayay iyaga oo calanka Soomaaliya ka taagay bartamaha magaalada.

Sidoo kale dadweynaha ayaa waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Boorama la dhex marayay calanka Soomaaliya, oo ka mamnuuc ah in lagu qaato gudaha Somaliland, iyaga oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhanka ah maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi.

Ciidamada Booliska oo soo fara-geliyay rabshadahan ka socda Boorama, ayaa rasaas nool u adeegsaday dibad-baxayaasha, taasi oo illaa hadda la xaqiijiyay dhimashada hal ruux iyo tirada tobaneeyo dhaawac ah, oo qaarkood culus yihiin, kuwaasi oo lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbaday in tiirka la geeyo askarigii ka dambbeeyay falkaasi oo ay shalay xukun dil ah ku ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada milatariga Somaliland.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi ayaa Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar, waxaan falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibadbaxyo waa weyn oo haatan ka billowday Boorama.

Sidoo kale dadweynaha reer Boorama ayaa ku dooday in aysan joojin doonin banaan-baxooda ilaa inta laga fulinayo xukunka dilka ah ee lagu ridday Dable Axmed Cabdi.

Xiisad xoogan oo ka dhalatay arrintan ayaa sidoo kale si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, maadaama shacab badan ay ka kaceen qaabka uu u dhacay dilkaasi, iyaga oo dalbadanay in si deg deg ah cadaaladda loo hokeeno ciddii ka dambeysay falkaasi.

Si kastaba, Rabshadaha ka socda Boorama ayaa imanaya ayada oo weli taagan tahay xiisadda dagaal ee Laascaanood, oo la xasuusto in markii hore ay ka bilaabatay kacdoon ka dhashay dilal ka dhacay magaalada, kadibna isku bedeshay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah.