Beyle oo shaaciyay arrin aad loogu farxo lagana hadal hayo xarumaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DFS, ayaa ka hadlay qorshaha dowlada ee ku aadan bixinta mushaaraadka shaqaalaha.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyada ay ballanqaadeyso bixinta Mushaaraadka waxa uuna cadeeyay in DFS ay heysato dhaqaale ku filan oo laga masruufikaro shaqaalaha.

Beyle waxa uu tilmaamay inaanu hor mareynin dowlad aan xuquuq siin shaqaalaheeda, waxa uuna ballanqaaday in mushaarka shaqaalaha uu noqon doono mid joogta ah.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan dhici doonin in shaqaalaha Dowladda ay shaqeeyaan iyaga oo aan qaadan wax mushaar, isaga oo tilmaamay in Dowladda ay ku dadaaleyso sidii ay shaqaalaha Dowladda u heli lahaayeen Mushaarkooda.

Sidoo kale, Beyle ayaa sheegay in shaqaalaha dowlada ay qaadan doonaan mushaaraadka ka maqan dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Dhinaca kale, Wasiir Beyle ayaa shaqaalaha dowlada ugu baaqay inay gutaan waajibaadkooda shaqo si dalka uu uga sii hormaro halka uu taagan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com