BF oo Farmaajo u gudbiyey warqad la xiriirta ciidamada ‘la geeyey’ dalka Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Arrimada Dibadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waraaq xasaasi ah oo ku saabsan ciidamadii tobabarka loo geeyay dalka Eritrea waxay u gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xili ay hadal hayn badan ka dhalisay dalka.

Guddiga ayaa madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu cadeeyo ciidamada tobabarka loo geeyay dalka Eritrea iyo xiliga ay ku soo laabanayaan dalka, maadama eheladii dhalinyaradaas ay muujinayaan walaac ku aadan xaaladooda caafimaad.

“Guddiga Arrimada Dibadda Golaha Shacabka BJFS isagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga kor-joogteynta hay’addaha Dowladda, tix-gelinaya cabashooyin ka soo gaaray waalidiin caruurtooda tababar ciidan loogu qaaday Dalka Eritrea, waxaan kaa codsaneyna inaad noo cadeyso Ciidamada halkaa tababarka u jira tiradooda guud inta ay tahay, iyo goorta ay ku soo noqonayaan dalkooda hooyo,” ayaa lagu yiri waraaqda uu guddiga u diray Farmaajo.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka guddiga inay soo gaartay cabashada waalidiinta dhalinyarada loo qaaday Eritrea iyo hadal haynta la xiriirta inay ku dhinteen dagaalkii qaraara ee ka dhacay gobolka Tigray, iyaga oo gacan siinaya ciidamada dowladda federaalka.

Waxay ka dalbadeen madaxweynaha inuu sida ugu dhaqsaha badan ka jawaabo cabashada waalidiintaas, isaga oo cadeynaya halka ay ku sugan yihiin askartaas waqti xaadirkan, isla markaan uu la xiriiriyo waalidiintooda oo ka war-warsan xaaladooda.

“Waxaan kaa codsaneynaa inaad cadeysid halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas tababarka loo qaaday, lana xiriirisid waalidiintooda.”

Ugu dambeyntiina waxa uu guddiga ka dalbaday madaxweyne Farmaajo in si deg-deg ah guddi loogu saaro xaqiijinta nolosha askartaas, kuwaasi oo ka kooban xubno dowladda federaalka iyo golaha shacabka, si ay uga keenaan xaqiiqo dhab ah oo la xiriirta hadal haynta taagan.

“Waxaan kale oon ka codsaneynaa in si degdeg ah loogu diro guddi dawladda iyo golaha shacabka ka kooban oo soo xaqiijiya noloshooda iyo geeridooda intaba. Annaga oo ku kalsoon inaad nala wadaagi doonto cadeymo ay ku qancaan waalidiinta iyo ummada Soomaaliyeed, naga guddoon salaam xushmad leh.”

Dalabka guddigan ayaa imanaya xili ay sare u kacday tuhunka laga qabo in ciidamada Soomaalida ah ee tobabarka loo geeyay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii Tigray, isla markaana ay ku geeriyoodeen badankooda marka laga reebo tiro yar oo dhaawac ah.

Hoos ka aqriso warqadda