Daawo: Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA oo si faah-faahsan uga hadlay ciidanka la geeyey Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cusmaan oo ka hadlay walaaca ka dhashay wararka sheegaya in dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea ay ku dhinteen dagaalkii gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa talooyin u soo jeediyey madaxda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Ismaaciil Daahir ayaa arrin laga haboonaa ku tilmaamay warkii ka soo yeeray siyaasiyiinta Soomaaliya qaarkood, kuwaas oo sheegay inay heleen macluumaad la xariira in askar Soomaaliyeed dagaalkaas la geliyey.

“Waxaan arkaayey mas’uuliyiin dhaheysa waxaan heynaa macluumaad sax ah oo sheegaya in ciidankaas dagaalka la geliyey, laakiin anigu arrintaas waxaan u arkaa mid laga hor dhacay oo aan xaqiiqo aheyn, sababtoo ah hey’adihii ugu waaweynaa adduunka ayaa weli macluumaad ka la’ gobolka uu dagaalku ka dhacay,” ayuu yiri Ismaaciil Daahir.

Waxa uu sheegay inuu hayo xaqiiqada in ciidan tababar loogu dalka Eritrea, balse shaki badan uu ku geedaamanyahay sababta ciidankan uu mudo sanad ka badan dalkiisa uga maqan yahay, iyadoo inta badan lix bilood uu qaato tababarka ciidamada ee dibadda.

Sidoo kale Ismaaciil Daahir ayaa sheegay in nidaamka dowladnimadu uu isku dhex yaacay, isla markaana aysan jirin wax isla xisaabtan ah, isagoo madaxda dowladda ku dhaliilay in aysan cadeyn xaqiiqada dhabta ah ee askarta maqan.

“Ciidanka in la qaaday waa sax oo wasiirka warfaafinta wareysiyadii uu bixiyey waxuu ku sheegay in la qaaday, balse waxuu carabkiisa ka ilaaliyey in ciidankaas loo qaaday Eritrea, balse anagu waxaan heynaa xaqiiqada in Eritrea ciidan tababar loo geeyey,” ayuu yiri Taliye ku xigeenkii hore ee NISA.

Ugu dambeyntii Ismaaciil Daahir ayaa madaxda dowladda kula taliyey “Dowladda waxaa la gudboon inay waalidiinta u sheegto meesha ay joogaan caruurtooda, waalidiintooda la hadashiiso, iyo inay sheegto goorta dalka lagu soo celinaayo, ma ahan inay ka leex leexato runta, aamusnaashuhu waxuu sii kor dhinayaa tuhunka ay waalidiintu ka qabaan dolwadda Soomaaliya.”

Hoos ka Daawo