BF oo ka hor yimi qorshaha guracan ee Kenya ku boobeyso dhulka Soomaaliya kadib markii DF…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ayaa kasoo horjeestay damaca dowlada Kenya ee ah boobka dhulka Soomaaliya kadib markii dhanka Beledxaawo ay kasoo xad gudbeen.

Jeylaani Nuur Iikar, gudoomiye ku xugeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa shir gudoominayay kulanka maanta oo xildhibaanada baarlamaanka ay kaga dhiidhiyeen damaca guracan ee dowlada Kenya oo dooneysa iney xalaaleysato dhulka Soomaaliya.

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”, oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ayaa shaki weyn geliyay in arimaha xad gudubka Kenya ee dhulka Soomaaliya ku lug leeyihiin madaxda dowlada Soomaaliya, maadaama horey shaki loo geliyay badda Soomaaliya.

Xildhibaanada oo cod mideysan lahaa ayaa u yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wasiirka gaashaandhiga, wasiirka arimaha gudaha  iyo wasiirka arimaha dibada si ay wax kaga weydiiyaan shakiga ay qabaan iyo dhul boobka dowlada Kenya ay waddo.

Arintaasi waxaa kasoo horjeestay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka, laakiin wuxuu soo jeediyay in ka hor inta aan xubnahaasi loo yeerin ay kulan yeeshaan gudiyada arimaha dibada iyo gudaha ee baarlamaanka Soomaaliya.

Jeylaani, ayaa intaasi ku daran kulanka labada gudi uu dhici doono khamiista berito ah, kadibna ay u yeeri doonaan ra’iisul wasaaraha iyo wasiiradiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com