Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga lixaad, kulankiisa 7-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana lagu ansixiyay saddex hindise-sharciyeed.
Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Cabdullaahi Abshirow, ayaa ku furmay kooram dhan 143 xildhibaan.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa:
- Akhrinta saddexaad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda.
- Akhrinta saddexaad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka shirkadaha caymiska.
- Akhrinta saddexaad iyo u codeynta sharciga wax ka beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ugu horreyn ansixiyay sharciga wax ka beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada, waxaana oggolaaday 141 xildhibaan, halka laba xildhibaan ay ka aamuseen.
Sidoo kale, mudanayaasha Golaha ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda, waxaana oggolaaday 142 xildhibaan, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.
Ugu dambayntii, mudanayaasha Golaha ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka shirkadaha caymiska, waxaana oggolaaday 142 xildhibaan, halka hal xildhibaan uu diiday, wax ka aamusayna ma jirin.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise-sharciyeedyadan, oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka ku bogaadiyay shaqada ay qaranka u hayaan. Waxa uu sidoo kale sheegay in kulamada guud ee golaha la hakiyay inta ka dhiman bisha barakaysan ee Ramadaan.