Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo warsaxaafadeed soo saaray, ayaa ka hadlay weerarkii tooska ahaa iyo qaraxyadii ay shalay Al-Shabaab ka fuliyeen hoteel ku yaalla magaalada Beledweyne. Sidoo kale, wuxuu soo saaray dalab culus oo la xiriira xaaladda dalka.
Ugu horreyn, Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay ehellada dadkooda ku waayay weerarka lagu beegsaday odayaal iyo saraakiil ku sugnaa hoteelka la weeraray, isagoo xusay inuu murugada la qaybsanayo qoysaska dhibbanayaasha.
“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tacsida la qaybsanayaa ehelka iyo qaraabada dadkii birmo-geydada ahaa ee ku geeriyooday weerarkii arxandarrada ahaa ee argagixisadu ka gaysateen Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne,” ayuu yiri madaxweynihii hore.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray:
“Muwaadiniinta kale ee dhaawacyadu soo gaareen iyo burburka hantida ee dhacay, waxaan Alle uga baryayaa bogsiimo degdeg ah iyo beddel khayr qaba.”
Kadib hadalkiisa tacsiyeed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan la dagaallanka argagixisada, si looga hortago falalka gurracan ee ay kooxdu ka waddo gudaha dalka.
“Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ciribtirka cadawgan arxanka daran, si Soomaaliya ay u hesho nabad waarta, dadkeenuna ay ugu noolaadaan sharaf iyo qarannimo buuxda,” ayuu sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu xusay:
“Falalkan arxan darrada ah waxa uu ka turjumayaa bahalnimada iyo cadowtinnimada ay argagixisadu u qabaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo caadaystay daadinta dhiigga xurmada leh ee shacabkeenna, xilligan oo lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.”
Weerarkii Beledweyne, oo saacado badan qaatay, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba nabadoon oo caan ka ah galbeedka Beledweyne, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen. Weerarkan oo qarax ku billowday, ayaa waxaa qaaday rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo saaka aroortii weeraray Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.
Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa kusoo aaday xilli Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Kooxdan ayaa mar kale dib ugu soo laabatay deegaannadii laga xoreeyay gobolladaasi oo hoos taga maamulka HirShabelle.
Beledweyne, oo ah xudunta kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Khawaarijta, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday qaraxyo ay maleegeen Al-Shabaab, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Qaraxan ugu dambeeyay ayaa u muuqda mid la mid ah kuwii hore.