BF oo maanta qaaday tallaabo la xiriirta TURKIGA kadibna ansixiyay sharciyo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa marka hore ka hadlay dhibaatada ka dhalatay dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Turkiga, kaas oo sababay dhimashada kumanaan kun oo qof.

Golaha oo arrintaan si qoto dheer uga hadlay ayaa sheegay in guud ahaan Soomaalida looga baahan yahay inay garab istaagaan shacabka waddanka Turkiga.

Gurmadka loo fidinayo Turkiga waa in aan meel wanaagsan ka galnaa”ayuu yiri Xil. Shariif Mustafa oo kamid ah xubnah aka hadlay kulanka guud ee Golaha.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku ogolaaday in 20% mushaarkooda loo jaro shacabka Turkiga, si uu Golaha qayb uga noqdo gurmadka haatan socdo.

Sidoo kale xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo kulankooda sii wata ayaa meel-mariyay Sarciga Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka Dhulka Hoostiisa, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda federaalka Soomaaliya.

148 Mudane ayaa ogolaaday sharcigan, waxaa ka aamusay laba xildhibaan, mana jirin wax diiday, sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Abshirow oo guddoomiyay kulanka maanta ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Dr Cilmi Maxamuud oo kulanka ka qayb-galay ayaa u mahadceliyay Golaha, wuxuuna sheegay sharcigan uu soo maray heerar kala duwan.

Sidoo kale xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa isla maanta ansixiyay Sharciga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddam kaas oo akhrintii saddexaad marsiiyeen Golaha.

Sharcigan cusub ayaa waxaa ogolaaday illaa 49 xildhibaan, waxaana ka aamusay 1 mudane, mana jirin wax diiday, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Baarlamaanka.