Maxay ehellada Maxamed Sheekh Nuuraani ka dhaheen xukunkii maanta? + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabbdi oo ka tirsanaa ciidamada qaada canshuurta, kaasi oo 10-kii January ee sanadkan 2023-ka degmada Xamarweyne ku dilay marxuum Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo).

Askarigan ayaa waxa uu Abirimo u dilay shan kun oo shilling Soomaali ah. Abirimo oo dilkiisu uu sababay carro xoogan ayaa alaabta yaryar ee loo yaqaano Jukaatarada ku iibin jiray gudaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Haddaba, maxaya ehellada Abirimo iyo dadka reer Xamarweyne ka yiraahdeen xukunka maxkamadda?

Ehellada Abirimo oo xukunka maxkamadda kadib la hadlay warbaahinta ayaa si weyn usoo dhaweeyay, ayaga oo sheegay in wiilkoodii ay maanta u heleen cadaalad, iyaga oo dowladda uga mahad-celiyay dadajinta kiiskan.

“Xukunka aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay, ninka maanta qisaasta lagu fuliyay culeyskii aadanaha ka saarna waa ka degay. Anaga meeshaas ayaa ku kala baxnay, dowladdana aad iyo aad ayaa ugu mahad-celinayna oo xuquuqdii shacabka ayay guteen,” ayuu yiri Ibraahim Cabaas oo adeer u ahaa marxuumka.

“Dad naga wakiilo ah ayaa joogay oo fiirsanayay fulinta xukunka. Dadka kale waxaa u rajeynayaa ee bajaajlayda in nimankii dilay lasoo qabto oo sidan oo kale loo dilo ayaa rabna.”

Waxa kale oo ay hadalkooda sii raaciyeen “Sharciga Diinta Islaamka lagu xukumo waa cadaalad, dowladda aad iyo aad ayay u mahadsan tahay. Madaxweynaha waakii ballan noogu qaaday in qofkii qof dila in tiirka la geynayo oo oday dhaqameed soo daba kaceyn.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay ugu baaqeen in waddada maanta la mariyay askarigii dilay Abirimo la marsiiyo askarta kale ee dilka toogashada hore loogu xukumay, ee dilalka u geystay shacabka.

“Kuwa toogashada ku qoran ha dheeraato ha dhawaato in lasii daba-galo cadaalad ayaa na deeqda,” – “Waxaa leenahay xukuumadda siddaan ha loo galo nin kasta oo muwaadin Soomaaliyeed qalad ka gala sidan haloo galo.”

Hoos ka daawo muuqaalka