Wararkii ugu dambeeyay madaafiic markale maanta lagu garaacay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa tiro madaafiic ah oo markale maanta lagu duqeeyay xaafadaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay weli isku hayaan ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan oo lagu eedeeyay ciidamada Somailand ay ku dhaceen bartamaha magaalada, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan illaa 1 qof ayaa ku dhintay duqeyntan cusub ee lagu garaacay Laascaanood, waxaana jira dhaawacyo kale oo ka dhashay madaafiica ku dhacday halkaasi.

Sidoo kale waxaa ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray dhismayaal iyo guryo ay dagaanayeen dad shacab ah, kuwaas oo madaafiicdu ku dhaceen.

“Guryaheena ayaan ku jirnaa, cunno la’aan ayaa jirto, waxaana la xiray goobihii ganacsiga, shaqo ma jirto oo waxaa intaas inoo dheer duqeynta xooggan ee ku dhaceysa xaafadaha magaalada Laascaanood, waxa aan alle weydiisaneynaa in uu xal nabadeed inoo keeno,” ayey tiri Haweeney kamida dadka tirada yar ee ku haray gudaha magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Jimcihii shalay duqeymaha ka socda Laascaanood ay ku nafwaayeen illaa 8 qof oo rayid ahaa, kuwaas oo ay madaafiicda ugu tegtay xaafadahooda.

Dhanka kale waxaa hakad-galay dagaalkii tooska ah ee maalmhan ka socday Laascaanood, intastoo ay weli is horfadhiyaan ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada.

Waxaa sidoo kale ka barakacay magaalada inta badan qoysaskii daganaan, kuwaas oo kor u dhaafaya kumanaan kun, sida ay shaaca ka qaaday Qaramada Midoobay.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.