DF Soomaaliya oo shaacisay siday ka yeeshay meydadka Al-Shabaab-kii la laayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo aad u culus ay ka socdeen qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan Hiiraan, Mudug iyo Jubbada Hoose ayaa dowladda Soomaaliya waxay soo saartay war ay ku cadeyneyso in la asturay meydadka Shabaab-kii la laayey.

Howlgallo socday ugu yaraan 72-saacadood ayaa galaaftay nolosha in ka badan 300 oo Shabaab ah, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya, waxaana baraha bulshada, gaar ahaan aaladda Telegram-ka aad loogu baahiyey meydadka Shabaab-kii la laayey 4-tii maalmood ee lasoo dhaafay.

“Waxaa la asturay maydadka Khawaarijta la laayay oo laga soo aruuriyay meelaha kala duwan oo ay ka dhaceen howlgalada,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Markii dib loo eego dagaallada ka socda Soomaaliya, meydadka dagaalyahanada Al-Shabaab ma helaan wax xurmad ah, arrinta yaabka leh waa in Shabaab-ka laftooda aysan xurmeyn meydka xubnaha looga dilo dagaallada.

Meelaha qaar oo kooxda laga qabsado ayaa la sheegay in ciidamada dowladda ay ugu tagaan meydad hal goob qaab aad u liita ay ugu aaseen Al-Shabaab, intaasna waxaa la sheegay in isxaan aysan ka aheyn ee meydka urkiisa ay iska aasayaan.

Si lamid ah ciidanka dowladda ayaa kaliya astura urka meydadka kooxda markii ay laayaan, iyagoo hal god ama dhowr god koox-koox ugu rida meydadka maleeshiyaadka laga dilo kooxda Al-Shabaab.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Shabaab-ka ugu badan lagu laayey deegaanada Afcad iyo Iji oo dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Mahadaay iyo Jalalaqsi oo Hiiraan iyo Sh/Dhexe ka kala tirsan.

Maalin ka hor waxaa la baahiyey sawirrada meydad Shabaab ah oo xarko lagu jiidayo – koonfurta gobolka Mudug, arrinta meydadka aan la astureyn ee banaanada ku qurma ayaa aad looga deyrinayaa, maadaama ay caafimaadka deegaanka wax yeelo weyn u geysa karaan.