Kumuu ahaa ninka ay ka billaabatay xiisadda hadda ka taagan LAASCAANOOD?

Laascaanood (Caasimada Online) – Labadii isbuuc ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka taagan colaad iyo dagaallo u dhaxeeya maleeshiyaad deegaanka kasoo jeeda iyo ciidamada Somaliland. Xiisaddan ayaa ka billaabatay dibadbaxyo rabshado watay.

Dadka deegaanka ayaa ka mudaharaadayay dilal kusoo batay magaalada, hase ahaatee dilkii ugu dambeeyay ee kacdoonka abuuray waxa uu ahaa mid loo geystay nin dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Hadraawi.

Dad aan heybtooda la aqoon ayaa Cabdifataax dil u geystay dabayaaqadii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Waxa uu ahaa siyaasi saameyn ku leh bulshada deegaanka, dilkiisuna waxa uu kiciyay caro aad u weyn.

Kumuu ahaa Cabdifataax Hadraawi?

Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi Hadraawi waxa uu sanadkii 1979 ku dhashay degmada Wallaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Aabihii Cabdullaahi Cabdi Sangub oo ka mid ahaa ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa xilligaa joogay xerada Ballidoogle oo ku taalla duleedka magaalada Wallaweyn.

Waxbarashada aasaasiga waxa uu ku soo qaatay gobollada Shabeellada Hoose, Shabeellada Dhexe iyo Sool, sida uu noo xaqiijiyey Cabdillaahi Caweer X. Xuseen oo ay isla soo barbaareen.

Burburkii dawladii dhexe ka dib waxa ay reerkoodu u guureen magaalada Laascaanood, halkaas oo waxbarashadiisa uu ka sii watay, waxaanu ka mid noqday ardaydii lagu bilaabay dugsiga sare ee Muuse Yuusuf, sida uu BBC-da u sheegay Faarax Diiriye Siciid, oo ahaa macallinkiisa.

Hadraawi waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada ugu firfircoon ciyaaraha kubada cagta ee deegaanka.

Naadiyadii kubbada cagta ee ugu horeeyey ayuu ku biiray isagoo kabtan u noqday naadiga Radio Laascaanood.

Laascaanood waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee qorsheysan. Haddii aan waqtiga dib u celinno, 1969-kii waxaa lagu dilay magaaladan madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Balse laga soo laga soo bilaabo 2010-kii waxaa soo xoogeysanayay dilalka shaqsiyaad deggan magaalda oo ay geysanayeen dabley aan la aqoonsan.

Sanadkaan oo kaliya lix qof oo ah dad si wayn looga garanayo magaalada ayaa la khaarijiyay.

Isha: BBC Somali