Al-Shabaab miyaa mar kale gudaha u gashay Itoobiya?

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa mar kale lagu eedeeyey inay ku lug leedahay weeraro dad badan lagu laayey oo ka dhacay gudaha dalka Itoobiya, sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas.

Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay jabhadda Oromada ee OLA iyo kooxda Al-Shabaab rabshado ay dad badan ku dhinteen oo sababay in la xiro ku dhawaad 1,000 iskuul oo ku yaalla gobolka, sida ay sheegtay warbaahinta Fana.

Gobolka, oo ay ku nool yihiin qowmiyadda ugu weyn Itoobiya ee Oromada, ayaa waxaa soo maray rabshado muddo sanado ah oo weli socda.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Oromiya Awelu Cabdi ayaa Fana u sheegay in OLA, Al-Shabaab iyo maleeshiyo Amxaaro ah oo loo yaqaano Fano ay ka dambeeyaan rabshadaha.

Wuxuu ku eedeeyay kooxahaasi inay laayeen dad shacab ah, wuxuuna sheegay in maamulku uu qaadayo tallaabooyin lagu nabadeynayo gobolka.

Gudiga xuquuqul insaanka ee ay dawladu magacawday ayaa todobaadkan sheegay in in ka badan 50 qof lagu dilay intii u dhaxaysay 2 ilaa 4 February weerar ay fallaago ku qaadeen xero ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taal galbeedka Oromia.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fulin dalka Itoobiya, hase yeeshee waxay bishii July ee sanadkii tegay ku qaaday weerar naadir ah oo ay ku gashay gobolka Soomaalida.

Dagaal toddobaadyo socday kadib ayaa Al-Shabaab ugu dambeyn laga soo saaray dalkaas, hase yeeshee kooxda ayaa sheegatay inay dishay boqolaal askari, halka Itoobiya sheegatay in Al-Shabaab ka dishay boqolaal mintidiin ah, kuwa kalena qabatay.