Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay laba askari + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka kala tirsanaa Booliska iyo Milatariga, kuwaas oo 10-kii January ee sanadkan 2023-ka dilal ka geystay Xamarweyne iyo Balcad.

Labada askari ee tiirka la geeyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Qaasim Ducaalle Cabdi iyo Xasan Juulle Shaakir , kuwaas oo ay horay u xukuntay maxkamadda ciidamada.

Qaasim Ducaalle oo ka tirsanaa ciidamada qaada Canshuuraha ayaa Xamarweyne wax ka yar 25 sinti ugu dilay marxuum Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo).

Abirimo oo dilkiisu uu sababay carro xoogan ayaa Alaabta Yaryar ee loo yaqaano Jukaatarada ku iibin jiray gudaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Xasan Juulle Shaakir oo isna ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa dil bareer ah u geystay marxuum Cali Taliye Cariif, kaas oo ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Marxuum Cali Taliye oo ahaa wade mooto Bajaj iyo askariga saaka la qasaasay ayaa murmay, waxaana kadib goobta lagu toogtay marxuumka.

Dhinaca kale waxaa tallaabada ay qaaday maxkamadda iyo dilka ay fulisay soo dhaweeyay ehellada marxuum Abuukar Abirimo oo ku sugnaa goobta qasaasta.

“Cadaaladdii Xasan Sheekh nagu ayiday maanta waan aragnay. Maxkamadda sharafta leh guul” ayuu yiri adeerka marxuum Abirimo oo goobta toogashada kula hadlay warbaahinta.

Maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday, taas oo aad loo dhaweeyay.

Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.