Sidee Somalia u celin kartaa inyar oo ka mid ah abaalka Turkiga oo xilli adag ku jira?

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga waxay ku jiraan waqti aad u adag in ka badan 36 kun oo qof oo Turki ah ayaa ku dhimatay dhul-gariirkii dhawaan ka dhacay waddankaas. Haddii lagu daro tirada ku dhimatay dhanka Suuriya waxay tirada guud noqoneysa 42 kun oo qof.

Gobolada ku yaalla xadka labadaas dal ayuu si weyn u burburiyay dhul-gariirku, waana kii ugu khasaaraha badna taariikhdi Turkiga casriga ah.

Weli gurmad ayaa socda, adduunka intiisa kale waa u gurmaday Turki. Yurub, Mareykanka iyo dalalka caalamka ayaa deg deg u bixiyay gurmad dhaqaal, mid khubaro iyo inay madax u diraan Turkiga.

Afrika dalal badan ayaa u gurmaday dowladda Turkiga oo ay qaar u direen howl-wadeeno u tababaran xaaladaha deg-dega ah, shaqaale gurmad, lacago iyo madax goobta buuqata.

Xilligan oo kale dowladduhu waxay bartaan saaxiibadooda dhabta ah ee adduunka.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka uu sida weyn u taageero Turkiga. Turkidu waxay kabaan miisaaniyada dowladda Soomaaliya, ciidan ayay u tababaraan Soomaaliya, waxa kale oo ay siiyaan deeqo waxbarasho oo joogto ah iyo soo dhoweyn bulsho.

Turkiga waxay ahaayeen dalkii ugu horeeyay ee Soomaaliya usoo gurmaday abaartii darneyd ee 2011, markaas oo uu madaxweyne Erdogan soo booqday magaalada Muqdisho.

Inkasta oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay dhaqaale la’aan iyo dagaalka Al-Shabaab la tacaaleyso, haddana maanta waa waqtigii la muujin lahaa gobanimada qarameed ee Soomaaliya.

Waxaa lagama maarman ah inay dowladda Soomaaliya ay muujiso is-xilqaam lagu difaacayo gobanimada umadeed iyo midda dowladeed ee Soomaaliya.

Tusaalaha u baahan inuu Soomaaliya dhiira-geliyo waa dowladad Burundi oo 10 khabiir oo ku takhasusay maareynta masiibooyinka u dirtay waddanka Turkiga, laakiin dowladda Soomaaliya tallaabo uma qaadin dhanka ficilka.

Maalmihii ay xaaladdu adkeyd wax badan oo ay dowladda Soomaaliya sameyn kartay lama haleelin, balse warbixintan waxaa kusoo koobeyn saddex qoddob oo weli laga gaaro, kuwaasi oo kala ah;

1. Yabooh dhaqaale: Dowladda Soomaaliya iyada oo kaashaneysa ganacsatada waaweyn ee dalka, dakhligeeda gudaha iyo bangiyada ay deymaha kasii qaadato waxaa la aamisan yahay inay awoodo yabooh dhaqaale.

Maanta lama qiimeynayo tirada waxa aad bixiso ee waxaa la eegaya duntaada iyo dareenkaaga.

2. Duco Qarameed: Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay awoodda inay iclaamiso kulan bulsho oo kumanaan bulsho ay ka qeyb-galayaan oo loogu duceynayo dadkii Turkiga ku lumiyeen dhul-gariirkii dhowaan dhacay, looguna rajeynayo soo-kabasho guud ahaan dalka Turkiga.

Majiro dal sameeyay arrintaas illaa hadda tan iyo markii ay dhacday masiibadan dhul-gariirka.

3. Booqasho madaxeed oo deg deg ah: Madax badan oo caalami ayaa booqatay Turkiga tan iyo markii uu dhacay dhul-gariirku si ay u muujiyaan dareen saaxiibtinimo, mid walaalnimo iyo sida Turkida ula qeybsanayaan xanuunka dhibaatada dhacday.

Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa hortaalla inuu midkood tago Turkiga, si uu dowladdaas garabka ugu ah Soomaaliya ugu muujiyo garab istaag xilligaan ay ku jiraan waqtiga adag.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre wuxuu Arbacadii magacaabay guddi qaabilsan gurmadka Turkiga, waxaana la eegaya waxay miiska la yimaadan.