Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa ka degay dalka…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Addis Ababa kaga qayb galaya meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika oo berri furmaya.

Shirweynahaas oo ay ka qayb galayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso.

Caqabadaha ay qaaradda Afrika wajaheyso waxaa ugu horreeya rabshadaha, saboolnimada iyo argaggixisada ka dagaalameysa qeybo badan oo dalalka qaaradda ka mid ah.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkaas Addis Ababa ka furmaya ku soo bandhigi doona dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxay kulan doceedyo la yeelan doonaan hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynahan Midowga Afrika.