BF ‘oo qaadayo go’aanno ka dhan ah Farmaajo’ kadib diyaaradii Ethiopia soo riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayey arrimo ku aadan diyaaraddii rakaabka aheyd ee ay ciidamada Itoobiya ku soo rideen degmada Bardaale ayaa shaaciyey in shilkaasi uu banaanka soo dhigay xiiriirka qarsoon ee ka dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Ilyaas oo sidoo kale ah xoghayaha arrimaha dibedda ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa xusay dhacdadaasi ay muujineyso sirta u qarsoon Madaxweyne Farmaajo ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baarlamaanka Soomaaliyeed uu qaadi doono go’aano sharci oo ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku aadan xad-gudubka madax banaanida dhulka iyo dhiiga ku daaday Berdaale, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Farmajo, hada waan fahaney waxa adiga iyo Abiy Ahmed idinka dhaxeeyo aad BFS iyo umada Soomaaliyeed kaqarineysey inaad usharaxdo laakiin Ilaah ayaa banaanka keeney ceebtaada. Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed na waxay qaadi doonaan goaano sharci oo kadhan ah ku xad gudubka madax banaanida dhulka iyo dhiiga Berdaale kudul daadisey.” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Senator Ilyaas Cali.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Soo gelitaanka Ciidanka Ethiopia ee aan qeeybta ka aheyn AMISOM waxay si cad uga soo horjeedaa sharafta iyo madaxa banaanida dhulka Soomaaliyeed.”

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo AMISOM bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in diyaaraddii todobaadkii la soo dhaafay ku dhacday degmada Bardaale ay soo rideen ciidamada Itoobiya ee gacanta ku haya garoonka diyaaradaha degmadaasi, kuwaas oo aan ka tirsaneyn howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda gudaha Soomaaliya.