BF oo shaaca ka qaaday maalinta codka kalsoonida loo qaadayo golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey goorta codka kalsoonida loo qaadayo golaha wasiirada cusub ee uu dhowaan magacaabay, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Xamza Cabdi Barre.

Qoraal ka soo baxay guddoonka baarlamaanka ayaa lagu wargeliyey xildhibaannada in beri oo Axad ah uu jiro kulan-weynaha golaha shacabka oo ka dhacaya Villa Hargeysa.

Xildhibaannada ayaa laga codsaday inay soo xaadiraan kulankaan oo muhiim ah, waxaana ajendaha uu yahay anisixinta golaha wasiirada magacaaban ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa golaha shacabka Soomaaliya hortegi doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo marka hore xildhibaannada Soomaaliya weydiisan doono inay meel-mariyaan xukuumadda uu soo dhisay, si ay gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Golaha wasiirada ee magacaaban ayaa maalmihii u dambeeyey waday kulamo xod-xodasho ah oo ay xildhibaannada uga codsanayaan inay meel-mariyaan xukuumadda cusub, taas oo durbo la kulantay dhaleeceyn yga imaaneysa dhinacyo kala duwan iyo maamullada qaar.

Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in la ansixin doono xukuumadda, maadaama inta badan xildhibaannadu ay taageero u muujiyeen magacaabista golaha wasiirada cusub.

Xukuumadda la soo dhisay ayaa waxaa ka soo muuqday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansiir) oo ku dhowaad 3 sano u xirnaa dowladdii hore, taas oo dad badan la yaab ku noqotay, waxaana sidoo kale ka dhalatay hadal heyn xoogan oo ku aadan magacaabista Roobow oo loo dhibay xilka wasaaradda diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya.

Si kastaba, haddii ay xukuumadda Xamza hesho codka kalsoonida ayaa waxaa horyaalla caqabado fara badan oo ay ugu horreyso wax ka qabashada amniga iyo abaaraha dalka.