Baarlamanka Soomaaliya oo u codeynaya guddi dhismihiisu yahay gaari dhinac u raran, maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaasha BF Somalia ayaa lagu wadaa in maanta ay u fadhiistaan cod u qaadidda Guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka kaas oo noqonaya Guddiga qaran ee doorashooyinka haddii maanta uu helo kalsoonida Golaha Baarlamaanka Dalka.

Inta badan Xildhibaanada BF ayaa shaki ka muujinaayo qaab dhismeedka Gudiga, waxaana jiro Xildhibaano sheegaya in dhismihiisu yahay gaari dhinac u raran.

Prof Dalxa oo kamid ah Mudanayaasha BF ayaa sheegay in Xildhibaanada ay maanta cod u qaadayaan Guddiga, waxa uuna sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay noqon doonaan gudi Qaran, hadii loo diido codkana ay kala tagi doonaan.

Guddiga oo ka kooban 9 Xubnood ayaa waxaa uu soo maray Golaha wasiirrada waxaana codka maanta uu u qaadayo Baarlamaanka haddii ay helaan ay noqon doonaan guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka.

Waxaa xiran inta badan Wadooyinka gala Xarunta BF waxaana xarunta kusii qulqulaayo Xildhibaano farabadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com