“Ethiopia, Nickolay Kay, madaxweyne Xasan Sh. iyo caalamka midna uma baahnin” Waxaa yiri…!!

Dhuusomareeb(Caasimada Online) – Ururka Ahlu sunna Waljamaaca ayaa si cad u sheegay ineysan aqoonsaneyn maamul uu madaxweyne ka yahay C/kariin Xuseen Guuleed ee shalay lagu doortay magaalada Cadaado.

Sarkaal ka tirsan Ahlu sunna oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkooda marnaba uusan aqoonsi siineynin maamulka uu madaxweynaha ka yahay C.kariin Xuseen Guuleed.

Wuxuu si cad u sheegay in maamul aan aheyn kan Ahlu sunna uusan ka dhisneyn magaalooyinka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, isagoo been abuur ku tilmaamay natiijada doorashadii ka dhacday magaalada Cadaado.

Sheikh Mursal oo ah sarkaalka u hadlay Ahlu sunna ayaa sheegay in maamulkooda uusan wax aqoonsi ah kaga baahneyn beesha caalamka iyo madaxda dowlada Soomaaliya sida uu sheegay.

Wuxuu si cad u sheegay iney aqoonsi buuxa  ka heystaan shacabka ku dhaqan gobolada Mudug iyo Galgaduud, loona baahan yahay in taageero loo muujiyao rabitaanka shacabka gobolada Dhexe.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa si cad u sheegay iney wadahadal la gali doonaan ururka Ahlu sunna iyo maamulka Puntland oo mucaaradsan maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com