Document: Cumar C/rashiid oo xil u magacaabay shaqsi uu u keenay AXMED MADOOBE (ARAG)!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa magacaabay la taliyaha xafiiskiisa dhanka Arrimaha Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa lagu magacaabay Aadam Axmed Xaaji oo kamid ahaa howlwadeenada Madaxtooyada Maamulka Jubbaland waxa uuna sidoo kale kaalin muhiim ah kasoo qaatay dhismaha Maamul goboleedka Jubaland, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in shaqsigaani la magacaabay ay qaraabo hoose yihiin Axmed Madoobo.

Magacaabista la taliyahaani ayaa waxa ay ka danbeysay kadib markii Ra’isul wasaare Cumar safar qaatay hal maalin uu ku tagay Magaalada Kismaayo kaasi oo xal kumeel gaar ah looga gaarayay khilaafka ka dhex aloolsanaa DF Somalia iyo Maamulka Jubbaland.

HOOS KA AQRISO DIGREETADA
Adam-Haji

Adam-Haji1