Gen. MUXIYADIIN: Hubka ma lahan Gaas, mana dhigayo, isagaana hurinaya dagaal (DHAGEYSO)

Garoowe (Caasimada Online) – Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa ka jawaabay hadalkii dhowaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ee ahaa in dowladdu wax wadahadal ah ka furi doonin xiisadda Qarxis, tan iyo inta ay isa soo dhiibayaan Gen. Muxiyadiin iyo ciidamada uu hoggaaminayo.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey warbaahinta Umada News ayuu ku sheegay in hadalkaasi yahay mid aan laga fiirsan, isagoo xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin wadahadal, si xal laga gaaro xiisadda taagan haseyeeshee dhanka dowladda caqabadi ka jirto gaar ahaan Madaxweynaha, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Madaxweynuhu mar walba isagaa waan-waanta diidanaa…anagu mar walba waxan jecelnahay inay wanaag wax ku dhamaadaan, ma dooneyno inay xabbad wax ku dhamaadaan waana kasoo hor jeednaa” ayuu yiri.

Mar la weydiiyey su’aal ahayd “Maxaa ka jira in adiga iyo Madaxweynuhu isku haysaan hubka soo wareeji iyo soo wareejin mayo?” Wuxuu ku jawaabay sidan: “Hubka anigu Madaxweynaha uma hayo, Madaxweynuhuna hubka maleh…hubku wax muran ku jira maaha dadkuna hub waa wada haystaa, cid gaar ah oo la leeyahay idinku hub ma heysan kartaanna wax dhici kara maaha” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu ku celiyey in ujeedada ka dambeysa gadoodka ciidamadu ahayn inay dhibaateeyaan amniga iyo xasilloonida Puntland, haseyeeshee ay dalbanayaan xuquuqda ka maqan maadama ay yihiin ciidan qaran oo dalka usoo halgamey, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka Gen. Muxiyadiin ayaa kusoo aadaya maalin kaddib markii uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday kulan madaxtooyada Garowe ku dhex maray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo guddigii loo saaray dhex-dhexaadinta xiisadda Qarxis.

Wararka Garowe Online heleyso ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku adkeystey in haba yareetee uusan wax wada-xaajood ah la geli doonin saraakiisha gadoodsan, isagoo ku wargeliyey xubnaha guddiga in sida keliya ee xal lagu gaari karaa ay tahay in Gen. Muxiyadiin iyo Cabdi-yare dowladda isu soo dhiibaan soona wareejiyaan hubka iyo ciidamada ay wataan.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com