BFS oo la hor geeyey mooshin cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka Mudanyaasha baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka aya waxay kaga hadleyn arrimo badan o ay ka mid ahaayeen Akhrintii 2-aad ee hindise sharciyeedka daraasaasdka badaha soomaaliya iyo Mooshin laga kenay Gudoomiyaasha Gudiyada Joogtada ah e Baarlamaanka.

Ugu horeyn waxa madasha kulanka ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaano Mooshin ka Soo gudbiyay Gudoomiyaasha Gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka oo gaaraayay ilaa 15 Xildhibaan waxayna sheegeen in Gudoomiyaasha Gudiyadaasi aysan ka so bixin waajibaadkooda.

sidoo kale waxa madasha kulanka ka hadashay xildhibaan Zeynab Caamir iyadoona sheegtay in mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiyaasha Gudiyada Baarlamaanka uu yahay mid sax ah iyadoona sheegtay in ay ka mid tahay Gudiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanaka ay horyaalaan arrimo badan sidaasi darteedna aysan jirin shaqo u qabsoon tahay ilaa hada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ahaana Shir Gudoomiyaha Kulankii Maanta aya waxa uu soo jeediyay in maalinta berito ah loo codka kalsoonida loo qaado Gudoomiyaasha Gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka, isagoona sabab ugu dhigay Kooramka shirka oo aan buuxin, isagoona ku wargeliyay Xildhibaanada ka maqan kulanka maanta iney soo xaadiraan maalinta berito ah.

Sidoo kale kulanka mudanayaasha Baarlamaanaka ee maanta aya waxa su’aalo lagu weydiiyay Guddoomiyaha hay’ada daraasaadka Soomaaliyeed oo ah Taliyihii hore ee Ciidamada Badda Admiraal faarax Axmed Cumar faarax Qare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com