Cabdi Weli Gaas oo ballan qaad culus oo ku aadan DF Somalia ku dhawaaqay

Garoowe (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay haddii uu ku guuleesto xilka madaxweynaha maamulka Puntland, in uu soo celin doono xiriirka ka dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Isagoo la hadlaayay arday wax ka barta mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla magaalada Garoowe ayuu sheegay xilligii raysal wasaaraha in uu ahaa qofka kaliye ee ku guuleestay in soo celiyo xiriirka Puntland iyo dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay markii uu meesha ka baxay in uu xiriirta labada dhinac uu burburay sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay haddii uu ku guuleesto in uu horrumarin doono arrimaha waxbarashada iyo xiriirka Puntland ay la lee dahay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Wuxuu ku celceliyay in maamulka Puntland ee hadda jirra uu ku guuleestay in uu xiriir fiican la yeesho dowladda dhexe “Waana muhiim buu yiri”

Si kastaba, hadalka ka soo baxay ra’iisal wasaarihii horre Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe uu go’ay kaddib markii maamulka Puntland uu sheegay in dowladda ay wax badan ka badashay dastuurka qabyada oo ay wax ka saxiixday Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com