Maxaadan ogeyn oo ka dhacay Burco?

Burco (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Burco ee gobalka Togdheer ayaa sheegaya in halkaas ay maanta ka dhaceen bannaanbaxyo looga soo horjeedo isbadalka lagu sameeyo taliyihii ciidanka booliska.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen oo ah dadka bannaanbaxa ka qaybgalayay kaddib markii ay isku dhaceen ciidanka ammaanka magaalada.

Dadka bannaanbaxayay ayaa sheegay in ay diiddan yihiin isbal lagu sameeyo taliyiha booliska ee magaalada oo shaley la badalay waxa ay sheegeen in uu ahaa nin wax badan ka badalay ammaanka magalada.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, in kastoo hadda uu qaboobay dibadbaxa oo waxaa soo dhex galay wasiiro ka socda maamulka Somaliland.

Gobalka Togdheer waxaa socdaal shaqo ku jooga afar wasiir oo ka tirsam maamulka Somaliland kuwaasoo mashaariic ka wada deegannada gobalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasiamda@live.com