XASAN SH oo ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah arrin muddo ka jirtay dalka

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay go’aan cusub oo looga soo horjeedo dhaqan ka soo jiray magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Dhaqankaas ayaa wuxu ahaa in wixii ka dambeeyay burburkii dalka, warqadaha dhalashada ama sugnaanta laga soo sameesan jiray suuqa cabdalla shidaayaha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya la oggolaan doonin arday wata warqad laga soo sameeyay suuqaas, wuxuuna ugu baaqay waalidiinta in looga baahan yahay in  ka soo qaataan warqadaha dowladda hoose.

Wuxuu sheegay in aan la oggolaan doonin hadda kaddib warqad laga soo sameestay Cabdalle Shidaaye, waayo ayuu yiri waxa ay yareeneysaa falalka ammaandarida ee dalka ka dhaca.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciddii lagu arko lala xisaabtami doono.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay xarunta Villa Somalia oo shaley lagu soo bandhigay qaab cusub oo ah baassaboorka E-Passport.

Burburkii dalka, waxaa wax kasta ay noqdeen in lagu sameeyo gooba gaar, waxaana taasi ay keentay in falalka amamanka ay wax u dhinto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com