25.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Baarlamanka Somalia oo si KMG ah usii fasaxay miisaaniyada ciidamada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dib loo fasaxay miisaaniyada Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya bilaha July iyo August.

Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad baarlamaanka oo fasaxaada miisaaniyada ka hadlaayay ayaa sheegay in fasaxaada ay socon doonto inta lagu guda jiro dooda Miisaaniyadda guud ee Dowladda 2017.

Mahad Cawad waxa uu sheegay in go’aankaas uu gaaray Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Cawad waxa uu intaa raaciyay in ujeedka laga leeyahay fasaxaada miisaaniyada ay tahay qorsho lagu doonaayo inaan lagu hakin xuquuqda ciidamada Qalabka sida.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay aad uga soo horjeedan in la carqaladeeyo Mushaaraadka, raashiinkooda, adeegooda iyo mushaaraadkooda.

Sidoo kale, Guddoonka baarlamaanka Somalia ayaa si KMG ah fasaxaada miisaaniyada ugu war galiyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Kheyre, Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Geesta kale, waxaa lagu amray in dhankooda ay ka fuliyaan go’aankaas oo ah go’aanka ka soo baxay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News