25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Warbixin: Goorma ayuu golaha wakiilada Somaliland yeelan doonaa guddoomiye cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa Is casilay Guddoomiyihii golaha Wakiillada maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxaana lagu wadaa in xilkaasi loo doorto Guddoomiye cusub.

Xil ka tegistiisa ayuu ku sababeeyay doorashada soo socota ee madaxtooyada ee uu xisbigiisa Waddani ugu sharaxan yahay madaxweyne.

Guddoonka baarlamaanka ayaa sidoo kale iclaamiyay xiliga ay dhici doonto doorashada Guddoomiyaha oo la sheegay inay muhiim u tahay in xilkaasi si dhaqsi ah loogu helo shaqsi buuxiya.

Doorashada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland, ayaa leysku fahmay inay qabsoomi doonto maalinta Axada ee fooda nagu soo heysa.

Sidoo kale, musharaxiinta u taagan xilka ayaa lagu wargaliyay inay kasoo dhamaadan ololaha ay ka dhex wadaan baarlamaanka si aanu dib u dhac ugu imaan xiliga doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr Xildhibaan ayaa durbo iclaamisay ololaha doorashadooda ku aadan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News