Kenyatta oo qeyla dhaan ka keenay dhibaatooyin lagu hayo doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa digniin kasoo saaray in la carqaladeeyo qorshooyinka ay dowladu ku qaban laheyd doorashada.

Uhurro Kenyatta ayaa sheegay in carqalada lagu hayo doorashooyinka ay ku lug leeyihiin Siyaasiyiin aad uga soo horjeeda in doorashadu ay ku dhacdo jawi degan.

Siyaasiyiinta carqalada ku haya doorashada ayuu sheegay inay ka danbeeyan dibad-baxyada ka socda dalka.

Dibad-baxyada uu sheegayo Uhurro Kenyatta ayaa ka dhashay dilka Sarkaal sare oo ka tirsanaa Guddiga doorashada kaa oo lagu magacaabo Mr Chris Msando.

Dibad-baxayaasha uu ka qeyliyay Uhurro Kenyatta oo ay abaabuleen Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale carqaladeeyay xarunta guddiga doorashada Kenya.

Sidoo kale, Uhurro Kenyatta ayaa ka digay inay sii kordhaan dhibaatooyinka looga soo horjeedo doorashada waxa uuna ku baaqay in laga hortago Siyaasiyiinta kasoo horjeeda hanaanka doorashada.

Haddalka iyo qeyla dhaanta Uhurro Kenyatta ayaa kusoo beegmaaya xili musharaxiinta Xisbiyada mucaaradka ay ka shaqeynayaan fashilinta ololaha Kenyatta.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com