Sawirro: Berbera: Aroosaa qorshihiisa farxadeed u rogay murugo isku bedeshay aas

Hargeysa (Caasimada Online) – Dhacdadaan foosha xun ayaa ka dhacday Xaafadda xudhuunka ee Berbera, kadib markii marxuumkani lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Daa’uud Riyaale, meydkiisa laga helay guri uu ka degnaa Xaafadda xudhuunka ee Berbera.

Marxuumka ayaa kamid ahaa shaqaalaha shirkadda dhismaha ee Barre Construction Xafiiska Berbera, waxaana Meydkiisa laga soo saaray kushiinka guri uu ka degnaa Xaafada aan kor kusoo xusnay.

Qorshaha Marxuumka ayaa ahaa inuu aqal galo geeridiisa ka hor waxa uuna ku dhex dhintay Hooyga cusub ee uu doonaayay inuu ku guursado.

Marxuumka ayaa la sheegay in saacadihii u dambeeyey uu ahaa mid dhibaato badan ka sheeganaayay arooskiisa iyo qaabka uu u dhacaayo, iyadoo ay xusid mudneyn in dhibta ugu badan ay aheyd mid ka heysata dhanka dhaqaalaha .

Sidoo kale, meydka Maxamed Riyaale ayaa loo qaaday magaalada Gabiley oo ahayd deegaanka uu ka soo jeeday, si halkaa ay aas ugu sameeyan eheladiisa.