Mowjad Radio oo muddo 35 sanadood ah la garan la’yahay cidda maamusha

Gudaha waddanka Ruushka waxaa muddo 35 sanadood ah si xiriir ah u shaqeeya mowjad Radio ah oo cidina illaa iyo haatan aysan garanayn halka laga leeyahay, balse hadallada ka dhex yeeraya ayaa waxa ay dib ugu noqonayaan waqtigii dagaalkii qaboobaha.

Mowjaddan ayaa lagu magacaabaa ‘MDZhB’ mana jirto cid illaa iyo haatan sheegatay milkiyadeeda, waxazana ay shaqeyneysay 24-ka saacadood, 7-da maalin ee isbuuca 35 sanadood ee la soo dhaafay laga soo billaabo 1982-kii.

Waxaa raadiyahan ka dhex yeeraya codad yaab leh sida dhawaqa Markab, codka diyaaradda Drone-ka iyo shanqarro cabsi leh mararka qaarna waxaa laga sii daayaa heeso.

Radiyahan waqtiyadii dambe waxaa loo bixiyay magaca ‘The Buzzer’, waxaana ka dhegeysan kartaa meel walba oo aad caalamka ka joogto keliya adigoo geysanaya mowjadda 4625 kHz.

“Dhab ahaantii ma jirto wax macluumaad ah oo laga ogyahay mowjaddan” sidaa waxaa yiri David Stupples oo ah Khabiir ku takhasusay Sirdoonka Mowjadaha ee ka tirsan Jaamacadda London.

Markii hore mowjaddan waxaa loo maleyn jiray in ay leeyihiin ciidammada Militeriga Ruushka, balse ciidammada Ruushku ma aysan qiran inay leeyihiin iyadoo markii midowgii Soofiyeeti uu burburay halkii la filayay in Idaacaddani hawada ka baxdo ayay sii xoogeysatay.

Dadka qaar ayaa qaba fikrado kale oo ah in Raadiyahan oo aan haatan wax sidaa u weyn tebin uu micno weyn sameyn doono haddii Ruushku galo dagaal dhinaca Nukleerka ah, waxaana dadkaasi ay qiyaasayaan in sirdoonka ruushku leeyihiin.

W/D: Yaxye Yuusuf