Xidlhibaanada baarlamanka oo ka qeyliyey arrin ay faraha kula jirto xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa dhaliil ka muujiyay faragalin la sheegay in Xukuumada Somalia ay ku heyso shaqooyinka baarlamaaka.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Xukuumadu ay ku dadaaleyso fashilinta dhammaan qorshooyinka isla xisaabtanka ee ka dhanka ah Xukuumada.

Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed Abuukaate, oo u waramaayay mid kamid ah Idaacadaha maxaliga ayaa sheegay in baarlamaanka uu ka shaqeyn la’ yahay Xukuumada Somalia.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in isla xisaabtan weli uu yahay mid ka dhaqan gali la’ Xukuumada oo uu sheegay inaysan diyaar u aheyn in lagala xisaabtamo waxyaabaha ay uga baahdan mudada ay ku uda jiraan shaqooyinka xukuumada.

Xildhibaanka ayaa intaa raaciyay in Xukuumadu ay si dadban u laashay isla xisaabtan dhowr ah oo u dhexeeyay qaar kamid ah Wasiirada iyo baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed Abuukaate, ayaa Xukuumada Somalia uga digay inay carqaladeyso hanaanka isla xisaabtanka uu wado baarlamaanka Somalia ee ku shaqada leh howlaha ceynkaasi ah.

Dhinaca kale, Xildhibaanka ayaa ku baaqay in isla xisaabtanka laga dhowro Siyaasadeyn, waxa uuna carab dhabay inay jiraan Wasiiro qaabab kale u dhiga haddii laga dalbado hor imaanshiyaha baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com