Baarlamanka iyo wasiir Abdi Hosh keebaa gardaran? (Bal eeg 10-kan qodob)

By Asad Cabdullahi Mataan

1- Cabbiraadda ra’yigu waa xuquuq dastuurku siinayo muwaadiniinta si guud isla markaana ku damaanad-qaadayo ilaalinteeda. Muwaadinka ra’yigiisa waxa uu ku cabbiri karaa qaabab kala duwan waxana uu ku gudbin karaa aalado kala duwan oo uu ku jiro Twitterku.

2- Barlamaanka, hay’adda fulinta iyo garsoorkuba waa rukummada asaaska u ah maamulka dawliga ah, waajibka ugu wayn ee ay dawladnimada u hayaanna waa ilaalinta dastuurka iyada oo is xisaabintooda iyo is dheelli-tirkoodu ka dhigan yihiin aalad ka mida aaladaha ugu waaweeyn ee loo adeegsado ku dhaqanka iyo ilaalinta dastuurka.

3- Haddii ay labada qodob ee kor ku xusan run yihiin, Wasiir Abdi Hosh ka sifadiisa muwaaddinimo iyo tiisa mas’uuliyadeed baa siinaysa in uu ra’yi ka qabi karo hab-dhaqanka barlamaanka.

4- Gedda cusub ee uu Barlamaanku hadda la yimid ka sokoow in ay tahay cabburin iyo xaq-duudsiin, haddana waxa ay ka dhigan tahay kali-talisnimo cusub oo lagu cabburinayo hay’adda fulinta. Isku daygaan oo guuleeysta waxa uu ka dhigan yahay in uunan wasiir dambe ka hadli karin hab-dhaqanka iyo go’aannada Barlamaanka. Taasina waxay markeeda ka dhigaysaa barlamaanka ceeb-ka-saliim lama canaantaan ah waxayna dhabarka ka jabinaysaa is-xisaabintii iyo dheelli-tirkii hay’adaha dawliga ah iyo guud ahaan dawladnimada.

5- Barlamaanku waa uu leeyahay awoodda ah in mas’uuliyiinta fulinta uu ku ilaaliyo shaqadooda dadtuurka ayaana u oggol in uu u yeeri karo su’aalana waydiin karo yeelkeede weedha muhiimka ah waa SHAQADA mas’uulkaas loo igmaday, loo dhaariyay, miisaaniyaddana lagu siiyay. Barlamaanku, tusaale, ahaan waxba kama galin haddii uu mas’uulku ku khaldamo arrimo kale sida in uu jaro khadka cas ee isgooyska ama fikir iyo maslaxad isku qabtaan xildhibaan. Arrimahaa waxa iska leh hay’daha kale ee ilaalinta iyo fulinta sharciga.

6- Yeelkeeda xittaa haddii Barlamaanku uu u yeero mas’uul, mas’uulkuna uu mabdi’iyan oggol yahay inuu hortago barlamaanka, waxa habboon xaqna ah in uu tixgaliyo jadwalka mas’uulkaas uuna ka garaabo ballamihiisii horay u jiray oo uu wakhtiga ballanku noqdaa mid dhinacyada u wada cuntamaya. Taasi kumaba sii jirto haddunan arrinku aheeyn degdeg.

7- Sidoo kale, haddii uu barlamaanku u yeerayo mas’uul, uguna yeerayo wax la xirira SHAQO, markaa ilaalinta waqtiga iyo dhaqaalaha kooban ee dalkuba waxay noo sheegayaan in hor iyo horraanba mas’uulka uu u yeero guddi-hoosaadka SHAQO AHAAN arrinku u khuseeyo oo markaa ka dib kor loo sii socdo haddii laga maarmi waayo. U yeeriddu in ay ka bilaabato Golaha Guud waxay tilmaan ka bixinaysaa in ayan jirin ama aan la aqoon xiriirka SHAQO ee dacwadu la leedahay dawladnimada iyo shaqada barlamaanka.

8- Wasiir Abdi Hosh qoraalka uu u diray barlamaanka wuu ajiibay yeeritaanka laakiin Barlamaanku in uu ka garaabo jadwalka wasiirka si fududna ugu baddalo ballanta waxa uu ka door-biday in uu arrinka beerka ka rarro awoodda barlamaankana loo adeegsado xaqiijinta dano-siyaasadeed kooxeed ama shakhsi.

Talo

9- Barlamaanka waxa la gudboon in ay arrinkan ka haro ama ugu yaraan isaga wareejiyo guddigiisa anshaxa culayskana ka qaado waqtiga iyo hantida ummadda si looga sii shaqeeyo ajandayaasha dhabta ah ee mudnaanta leh sida amniga iyo dib-u-dhiska ciidamada, midnimida dalka, dhameeystirka dastuurka, kobcinta iyo ilaalinta dakhliga, dub-u-dhiska haya’daha dawliga ah, dhameeystirka Qorshaha Horuminta Qaranka, hannaanka doorashada 2020 iwm.

10- Si looga gudbo siyaasadda is jillafeeynta iyo ku takrifalka awoodda waxa xukuumadda la gudboon dib-u-dhiska iyo dhameeystirka hay’adaha garsoorka sida dhismaha Guddiga Qaran ee Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah. Sidoo kale, xukuumaddu waa in ay u bareertaa oo ayan ka biqin in barlamaanka lagu hayo xudduudkiisa sharciga ah diyaarna u noqotaa bixinta kharashka adag ee lagama-maarmmaanka u ah xaqiijinta hadafkan. Hufnaan. Kolleey iyo kolleey lagga iyo lugta la iskuma helo. You can’t have the cake and eat it.

W/Q: Abdusalam Salwe