Xog: Xildhibaano ka carrooday tallaabadii R/W Kheyre oo mooshin ku hanjabaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa wajaheysa cadaadis xooggan oo kaga imanaya baarlamanka, islamarkaana dhalin kara in mooshin xil qaadis laga keeno, sida ay xildhibaano u sheegeen Caasimada Online.

Xildhibaano badan ayaa ka carrooday faro-gelin ra’iisul wasaare Kheyre uu ku sameeyey mooshin la doonayo in xilka looga qaado wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, waxayna wacad ku mareen inay xukuumadda oo idil kalsoonida kala noqon doonaan haddii uusan joojin faro-gelinta.

Kulankii shalay la doonayey in Xoosh Jabriil xilka looga qaado ayaa baaqday kadib markii xildhibaano badan ay iman waayey, oo koorarmka uu buuxsami waayey, waxaana arrintan lagu eedeynayaa ra’iisul wasaaraha.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha ay xildhibaano u dhow ku cadaadinayaan in la bad-baadiyo Xoosh Jabriil.

Madaxweynaha ayaa xildhibaano ku dhow waxay sheegeen inuu rumeysan yahya in xil ka qaadista Xoosh ay ka dhignaan doonto in la wiiqo awoodda maxkamadda sare ee dalka, oo ay hay’adda sharciyeed ee dalka ugu sareysa, maadaama Xoosh lagu hasyto inuu taageeray go’aankii ay ku laashay sideed kursi oo ka mid ah baarlamanka.

Dhinaca kale ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la rumeysan yahay in xil ka qaadista Xoosh ay dhaawac weyn gaarsiin karto golaha wasiirada iyo isaga, ayna ka dhignaan doonto in baarlamanku helo awood dheeri ah oo ciddii ay doonaan ay deg deg xilka uga qaadi karaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com