War ka cusub heshiiskii saldhigga Berbera iyo amar kasoo baxay BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta xildhibaanada BFS ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa waxaa Xukuumada Somalia looga dalbaday inay jawaab waafi ah ka bixiso Saldhiga Berbera ee Somaliland.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Xukuumada Somalia ay ka doonayaan inay cadeyso halka uu ku danbeeyay Saldhiga, waxa ayna dalbadeen in si dhaqsi ah BFS lagu horkeeno natiijada Saldhiga iyo kulanka uu Farmaajo ee Imaaraadka.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay muhiim tahay in BFS loo cadeeyo arrinta Saldhiga, waxa ayna dalbadeen in muddo gaaban gudaheeda ay xukuumadu ku cadeyso mowqifkeeda Saldhiga Berbera.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomalia ayaa horay Mooshin uga diyaariyay Saldhiga Berbera, kaa oo wali qabyo ah isla markaana la filaayo in dhawaan laga gaaro go’aan.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan loo saxiixay in magaalada Berbera ay ka dhisan karto Saldhig Millitery.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com