BIDEN oo Israel ku qasbaya arrin culus oo la xiriirta GAZA

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu xeebta Gaza ka dhisi doono marin ku meel gaar ah si sahayda gargaarka bini’aadanimo loogu oggolaato in ay si nabad ah u gaaraan dadka rayidka ah ee reer Gaza.

Biden ayaa sheegay in Israa’iil ay qasab ku tahay inay u ogolaato Gaza in la gaarsiiyo gargaar dheeraad ah ,isagoo intaa raaciyay in la hubiyo badqabka shaqaalaha hey’adaha oo aan lagu qaban ama lagu sameyn faragalin ama dagaal.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale Tel Aviv u sheegay in mudnaanta la siiyo ilaalinta iyo badbaadinta nolosha dadka rayidka ah ee aan wax galabsan .

Dhinaca kale, wafdi ka socda Xamaas ayaa ka dhoofay magaalada Qaahira ee Dalka Masar ,iyadoo sarkaal ka tirsan kooxda uu sheegay in Israa’iil ay fashilisay dhammaan isku daygii dhexdhexaadiyeyaasha ee lagu doonaayay in heshiis la gaaro.

Ugu yaraan 30,800 falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 72,198 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7, halka tirada dhimashada Israa’iil ee weerarradii Xamaas ay gaareyso 1,139.