LUUL oo maanta la aasayo iyo wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaban-qaabada aaska marxuumad Luul Cabdicasiis ayaa ka socota magaalada Muqdisho, ayada oo lagu aasi doona deegaanka Jazeera ee duleedka Koonfureed ee Muqdisho.

Luul Cabdicasiis ayaa daba-yaaqadii bishii Jannaayo ee sanadkan ku geeriyootey magaalada Muqdisho, kadib markii ninkeedi uu gubay, sida ay dhawaan sheegtay maxkamadda gobolka Banaadir.

Maydka Luul Cabdicasiis ayaa goordhoweyd laga soo saaray qaboojiyaha Isbitaalka Racep Tayyib Erdogan (Digfeer) ee magaalada Muqdisho.

Luul ayaa halkaas taallay tan iyo markii ay u geeriyootay dhaawac halis ah oo ka soo gaaray dab uu qabadsiiyey ninkeedii xilli ay ku sugneyd gurigeeda oo ku yaal caasimada

Allaha u naxariistee marxuumadda ayaa saacadaha soo socda lagu aasayaa xabaalo ku yaalla deegaanka Jazeera ee duleedka Koonfureed ee magaalada Muqdisho, halkaas oo xabaasheedii laga qoday.

Dadweyne badan oo isugu jira ehellada marxuumadda iyo qaar la-dareen ah ayaa maanta ka qayb-galaya aaskan, oo soo afmeeraya maalmo dheer oo murugo iyo tiiraanyo ku reebay qoyskii ay ka baxday oo ay ku jiraan lix carruur ah oo agoon iyo rajo noqday.

Si kastaba, aaska marxuumadda ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii maxkamadda gobolka Banaadir ay dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali, ayada oo qoyskeeda ku adkeysteen in aan gabadhooda la duugeyn inta ay caddaalad ka heleyso.